Somali News

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay madaxda dowlad goboleedyada

Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaalla Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la qaatay Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada.

Kulanka ayaa ahaa hambalyo is xogwareysi iyo guud ahaan kala warqaadasho ku saabsan xaaladda guud ee dalka, waxaana ka qeybgalay Madaxweynaha Puntland Siciid Deni, Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

“Waxaan maanta ka qeybgalay kulan uu noo sameeyay Madaxweynaha cusub ee DFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Kulanka ayaa ahaa hambalyo is xogwareysi iyo guud ahaan kala warqaadasho ku saabsan xaaladda guud ee dalka” ayaa yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.