Somali News

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay Midowga Musharixiinta madaxweynaha.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay xubno mid ah Musharaxiinta Madaxweynaha ee ka tirsanaa Midowgii Musharaxinta oo horseedka u ahaa is bedelkii dhacay 15 May.

Xubnaha musharixiinta madaxweynaha iyo Madaxweynaha JFS xasan sheek Maxamuud ayaa ka wada hadlay arimo ku saabsan Dalka, iyo sidii isbedel uu u keeni lahaa madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

madaxweynaha JFS ayaa uga mahadceliyey Musharixiinta madaxweynaha oo shantii sanno ee lasoo dhaafay ee ay isku aag kuwadda jireen salaanta iyo booqashada ay ugu yimaadeen waxaa uuna ka aqbalay una sheegay in ay ka go’antahay sidii uu dhisi lahaa Dowlad loo dhanyahay oo soo dhaweeysa muxaafid iyo mucaaradba.