Somali News

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay Ra’iisul wasaare Rooble.

Muqdiaho-KNN-R’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho ugu tagay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta xafiiska la wareegay, kadib munaasabad heerkeedu sarreeyo oo ka dhacday Madaxtooyada Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa warbixin ka siiyay socdaalkii uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta iyo habsami u socodka howlaha xukuumadda Soomaaliya.