Somali News

Madaxweyne Xasan Shiikh oo la kulmay Talyeyaasha Ciidamada Militeriga iyo Booliiska

Madaxweynaha dooran ee Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kulan la yeeshay talyeyaasha Ciidamada Militeriga, Gen Odowaa Yuusuf Raage iyo Booliiska, S/G Cabdi Xasan Xijaar.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Xaaladda Guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Amniga iyo sidii loo xoojin lahaa Nabad iyo Xasiloonida dalka.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo qoraal kooban ku daabacay boggiisa Facebook ayaa yiri:-

“Waxaan kulan la qaatay taliyeyaasha Xoogga iyo Booliska Soomaaliyeed. Waxaan ka dhageystay warbixinta guud ee amniga dalka iyo qorshayaasha hortebinta leh xilliga kala guurka. Amniga waa muhiimmadda koowaad ee dowladda”.

Xasan Shiikh ka dib Doorashadiisa waxaa uu magaalada Muqdisho kulamo kala duwan kula yeeshay Mas’uuliyiinta Dowladda, kuwa Beesha Caalamka iyo Saraakiisha Ciidamada.