Somali News

Madaxweyneyaashii hore oo kulan ku yeeshay Muqdisho

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif Axmed  ayaa caawa shir la yeeshay madaxweynihii hore ee soomaaliya Cali Mahdi.

Shirka ayaa looga hadlayay xaalada uu xiligan marayo dalka iyo muranka ka taagan arrimaha doorashooyinka.

Dhaq dhaqaaqan ayaa u muuqda inuu yahay mid dhoolatus, iyadoo muddo saacado ah ay ka harsan tahay muddo xileedki sharciga ahaa ee Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Golaha musharraxiinta mucaaradka ah ayaa ka digay in xukuumadda federaalka ay sameysato muddo kororsi, taasoo ay marar badanna ku celceliyeen in aysan aqbali doonin.