Somali News

Madaxweynihii dalka Chad oo dagaal lagu dilay

Saraakiisha ciidanka dowladda Chad ayaa shaacisyey in madaxweynihii dalkaas Idriss Deby uu u dhintay dhaawacyo ka soo gaaray jiida hore ee dagaal ay dowladdu kula jirto mucaaradka oo ka socda waqooyiga dalkaas.

Ciidamada dalka Chad ayaa hadda la dagaalamaya xoogaga kacdoonka ah, kuwaas oo weerar culus ku qaaday caasimada dalka Chad ee N’Djamena, sida ay sheegeen saraakiishu.

Idriss Deby Itno ayaa xukunka dalkaas hayey in ka badan 30 sano, waxaana Isniintii shalay la shaaciyey in markii lixaad uu ku guuleystay xukunka.

 “Madaxweyne Idriss Deby Itno hadda ayey ka baxday neeftii ugu dambeysay ee difaaca madax-banaanida dalka, isaga oo ku sugan goobta dagaalka,” ayuu yiri afhayeenka ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Chad Jeneral Azem Bermandoa Agouna, xilli uu hadal ka jeedinayay telefishanka dowladda.

Madaxweyne Deby ayaa shalay si cad u sheegay inuu tegayo jiidda hore ee dagaalka, si uu ugu biiro ciidamada la dagaalamaya waxa uu ugu yeeray argagixisada, waa uu ka dhabeeyey jiida hore ayaana lagu soo dhaawacay, isagoo goor dambe oo maanta ah u geeriyooday dhaawacyadaas.

Jeneraal Mahamat Idriss Deby Itno oo loo yaqaan Kaka, oo ah wiilka hoggaamiyaha geeriyooday, ayaa deg deg loogu magacaabay madaxweynaha ku-meel garaka ah ee dalka Chad, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada. Mucaaradka Chad ee fadhiggoodu yahay dalka Libya ayaa maalinkii doorashada soo weeraray xuduudda, waxayna boqolaal km kusoo siqeen koonfurta dalka.

Madaxweyne Idriss Deby oo da’diisu aheyd 68-sano jir ayaa xukunka ku yimid kacdoon dhacay 1990-kii, waxuuna ahaa mid ka mid ah hoggaamiyayaasha ugu xukunka dheer qaaradda Afrika, iyadoo maalin ka hor dhimashadiisa la shaaciyey in markii lixaad loo doortay madaxweyne.