Somali News

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay weeraradii Muqdisho

Muqdisho-KNN-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hadlay weeraradii qaraxyada ahaa ee maanta Alshabaab ka geestayn magaalada Muqdisho.

Shariif Sheekh Axmed ayaa weerarkaasi cambaareeyay waxa uuna tacsi u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadkii ay eheladooda wax ku noqdayn weerarkaasi. Sidoo kale dadka dhaawacyada ah ayuu Alle uga baryay caafimaad deg deg ah.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla oo sidoo kale ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya.

“Alle waxaan uga baryayaa naxariistii janno dhamaan dadkii halkaasi wax ku noqday oo uu kamid ahaa W/kuxigeenka wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.