Somali News

Magaalada Cadaado oo maanta laga dukaday Salaad Roob doon ah.

Cadaado-KNN-Maamulka Degmada Cadaado,Ardeyda Iskuulada iyo kuwa Dugsi Qur’aanka Culum udiiynka Dhallinyarada, Haweenka, Wax garadka,Aqoon yahanada ayaa maanta iskugu soo baxay magaalada Cadaado.Si ay ugu dukadaan Salaada Roob-doon oo ah mid Suna ah.

Waxay  ku dukadeeyn Masjidka Tabliiqa ee Magalada Cadaado.Qaar ka mid ah Culumadii ka qayb gashay Saalada Roob-doonta ah ayaa qaybaha kala duwan ee Bulshada Cadaado ka dalbaday Iney Is Cafiyaan si wada jir ahna Allaah looga baryo in uu noo dambi dhaafo  Raxmadiisa ugu Deeqo.

Guddoomiyaha Degmada Cadaado Cabdullahi Cabdi Raxmaan “Tootoole” oo ka hadlay isku so baxaan Roob-doonka ah “waxaa loo baahanyahay in si niyad ah leesku  Cafiyo si Alle Raxmadiisa loo helo” ayuu yiri: Guddoomiyaha Cabdullahi Cabdi Raxmaan .

Hadal heynta ugu badan ee maalmihii ugu dambeeyay magaalada Cadaado Iyo
degaanada ku xeeran ayaa aheyd Kuleylka ay dadaka si isku mid ah u dareemeen.