Somali News

Magaalada Dhuusamareeb oo laga dareemayo u diyaar garowga Shirka Dhuusamareeb 3

Muqdisho-KNN-Waxaa magaalada Dhuusamareeb laga dareemayaa u diyaar garowga shirkii Dhuusamareeb 3, kaas oo lagu balansanaa inuu dhaco 15 bishan August.

Waxaa laga dareemayaa magaalada Dhuusamareeb, dhaq dhaqaaqyo ay sameynayaan ciidamada Ammaanka, kuwaas oo ay ku xaqiijinayaan amniga guud ee magaalada.

Sidoo kale waxaa laga dareemayaa qaban qaabada soodhaweynta madaxda iyo wufuud ku qulquleysa magaaladaasi, si ay qayb uga noqdaan shirka.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in shirkaasi uu dib u dhac ku yimaado, balse Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor madaxweynaha Galmudug oo shalay gaadhay magaalada Dhuusamareeb, ayaa sheegay in Galmudug ay u diyaar garoobeyso marti gelinta shirkan.