Somali News

Magacyada wariyaasha Al-shabaab ee lagu dilay Jubada Dhexe.

Muqdisho-KNN-Duqeyn ka dhacday Gobolka Jubada Dhexe ayaa lagu burbiriyey Xaruntii Idaacadda Al Shabaab taas oo ku taalay Degmada Jilib.

Duqeynta ayaa khasaaro lixaad leh gaar siisay Wariyeyaal ka tirsan Al-Shabaab kuwaas xiliga duqeyntu dhacday ku sugnaa xarunta.

Saraakiil ka tirsan Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa xaqiijiyay in duqeyn lala beegsaday Idaacadda Al-Andulus oo ah idaacad ku hadasha Afka Al-Shabaab, iyadoo halkaas lagu dilay ku dhawaad 20 dagaalame.

Warbaahinta Dowladda ayaa sheegtay in ugu yaraan 5 kamid ah Wariyaal ka tirsan Al Shabaab halkaas lagu dilay sidoo kalena lagu buriyey Xarunta Idaaacadda.

Sidoo kale wararka ayaa intaas ku daraya in Duqeynta kadib halkaas dusha kaga soo dageen kumaaandoos katirsan Malatiriga Soomaaliya kuwaas oo goobta ka sameeyey howlgal qaatay muddo saacad ah.

Magacyada wariyasha Idaacada Al Shabaab ka hadlayey ee ladilay waxaa kamid ah Feysal Yare, Maxamed Aadan Nasrudiin, Cabdikariim Seyfulah iyo Xasan Cabdiraxmaan oo Gobolka Gado u qaabilsanaa kaas markii danbe Jubada dhexe u wareegay.