Somali News

Mahdi Guuleed oo Muqdisho ka furay Shirweynaha dib u eegista Waxbarashada

Muqdisho-KNN-Raiisul wasaare ku xigeynka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaan Maanta Muqdisho ka daah furay shirweynihii Shanaad ee dib u eegista waxbarashada Soomaaliya.

Daahfurka shirweynaha waxbarashada Dalka waxaa joob joog ka ahaa, wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre, Wasiirka caafimaadka, wasiir ku xigeenno,Safiirro, Deeq bixiyaal caalami ah, Agaasimayaal iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.

 “Waxaa Maanta si rasmi ah noogu furmay shirweynaha 5-aad ee dib u eegista waxbarashada Soomaaliya oo socon doona muddo Laba Maalmood ah, isla markaana lagu eegi doono waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee u qabsoomay wasaaradda”ayuu yiri Wasiir Goodax Barre oo ka hadlay Goobta.