Somali News

Malaayiin Soomaali ah oo ka wal walsan mustaqbalkooda & doorasho ka dhaceysa Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa waxay u diyaar garoobaysaa doorashada Madaxweynihii 10-aad ee Soomaaliya, iyadoo 37 Murashax ay u taagan tahay, halka 2 Murashaxna ay ka hareen tartanka Madaxweynaha, waxaana diyaar garowga doorashada lag dareemayaa dalka oo dhan.

Murashaaxiinta qaarkood waa hubaan in aysan guulaysan doonin, sidaas darteed ma qabaan wax wal ah, halka qaar kalane ay heysato xaaladii ugu adkeyd, waxay miiska saareen lacago malaayiin dollar ah oo aysan ogeyn in ay ku heli doonaan natiijada ay rabaan, nasiino iyo jiif waxaa ugu dambeysay maalmo ka hor, waxaa dilay orod, baryo, balan qaad iyo xaflado aan dhamaanin.

Waxaa jira malaayiin shacab ah oo aan la dooran doonin  waxna aan dooran doonin hadana uu ku furantahay walaac badan, dadkaas waxay la socdaan xaalada siyaasada Soomaaliya waxana jiro dad ay la jeclaan lahaayeen in ay guuleestaan waana sababta uga naxsan yihiin natiijada berri ka dhalan doonto doorashada Madaxweynaha.

Hoos ka dhageyso Warbixin uu ka diyaariyay Wariyaha KNN Xuseen Cabdulle Maxamed: