Somali News

Maleeshiyo hubeysan oo dad shacab ah dil iyo dhaawac ugu geysatay gobolka Galgaduud

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay Maleeshiyaad hubeysan ku qaadeen dad shacab ah oo ku safrayay inta u dhaxeysa magaalooyinka Caabudwaaq iyo Dhabad ee gobolka Galguduud.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa ku geeriyooday halka ku dhowaad afar ruuxna dhaawacmeen, ka dib markii maleeshiyad ay rasaas ku fureen gaariga halkaasi marayay.

Dadka Weerarkaasi ku dhaawacmay ayaaa waxaa kamid ahaa hooyo iyo labadeeda carruur ah oo la socday rakaabka gaariga.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga ee Maamulka Galmudug, si ay uga war bixiyaan waxa dhacay.