Somali News

Maqaayada iyo Baararka ku yaalo Faransiiska oo la xirayo

Maqaayada iyo Baararka ku yaalo Faransiiska ayaa  loo xirayo cabsi laga qabo moojad labaad oo xanuunka Covid-19 ah.

Maqaayada iyo Baararka ku yaalo magaalada Paris ee caasimadda wadanka Faransiiska ayaa la’amray in dhamaan laxiro wixii ka danbeeyo maalinta Talaadada.

Arintan ayaa ka danbeesay kadib markii ay kordheen kiisaska xanuunka Covid-19 ee laga diiwaan galinayo wadankaasi.

Xayiraadaha cusub ayaa lagu dhawaaqi doonaa maanta oo Isniin ah.

Axadii oo qura Faransiiska waxaa laga diiwaan galiyay in kabadan 12,000 oo marxalada cusub ee xanuunka ah, halka magaalooyinka qaarna ay xayiraadaha cusub ka dhaqan galeen todobaadkii hore