Keydka Sawiradda Somali News

Maraykanka oo duqeyn ka Fuliyay Duleedka Gobalka Banaadir.

Muqdisho-KNN-Taliska Ciidamada Maraykanka ee Qaaradda Africa ayaa waxa ay sheegeen in ay fuliyeen duqeymo ka dhacay meel dhow gobolka Banaadir,islamarkaana ay ku beegsadeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

AFRICOM waxa ay sheegeen duqeyntaasi in ay dhacday Subaxnimadii Khamiista aheyd , waxaana ay beegsadeen hoggaamiye Sare oo Al-Shabaab oo ka tirsan.

“Maanta labo duqeyn ayaa ka dhacday meel u dhow gobolka Banaadir ee koonfurta Soomaaliya, waxaana wali wadnaa baaritaano ku aadan duqeyntaasi iyo Khasaaraha ka dhashay inta uu la egyahay” ayaa lagu yiri war kasoo baxay AFRICOM.

Ciidamada dowladda Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ay si wadi doonaan duqeynta dagaalyahanada Al-Shabaab.

Waa Markii ugu horeysay ee Taliska Maraykanka Duqeyn ka Fuliyaan Meel Duleedka ka ah Magaalada Muqdisho mana cada Sargaalka Sare ay Sheegeen in ay ku dileen Duqeyntaasi Magaciisa.