Somali News

Mareeyaha Garoonka Diyaaradaha oo sheegay in la hakiyay Dulimmadyadda Garoonka aadan cadde

Muqdisho-KNN-Mareeyaha Garoonka Diayaradaha magaaladda Muqdisho oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in  hakad lagaliyaya dhamaan Dulimaadyada garoonka Diyaaradaha caalimagga ah ee Adan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Cabdinasir Maxamuud Gureey mareeyaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa xusay in tallaabadan loo qaaday Sabab la xiriirtaa Doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya oo maanta dhaceysa.

Waxaa uu intaasi raaciyay Maareeyuhu in garoonkuna uu xiranaan doono mudada lagu gudajiro howlaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Amaanka ayaa aad loo adkeeyay guud ahaan magaalada Muqdisho maanta oo doorashada ay ka dhacayso Afisyooni.