Somali News

Mareykanka oo baaraya in lagu shubtay doorashadii ka dhacday Uganda

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ku baaqday in la sameeyo baaritaano isu dheelitiran oo madaxbanaan oo ku aadan warbixino dhowr ah oo sheegayo in ay dhacday wax isdabarin xilliggii ay socotay doorashada Uganda.

Madaxweyne Museveni ayaa markii lixaad ku guuleystay doorashada xilli musharraxa mucaaradka Bobi Wine uu jeediyay eedeyn ah in doorashada looga shubtay.

Halka Museveni uu ku tilmaamay doorashada mid caddaalad ah oo aan weligeed ka qabsoomin dalkaas.

Bayaanka kasoo wasaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay in lala xisaabtami doono dadka lagu helo inay ka dambeeyeen wax isdaba marin ah.