Somali News

Mareykanka oo cunaqabateyn ku soo rogay saraakiil iyo hay’ado laga leeyahay dalka Iiraan

Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay tobanaan saraakiil iyo hay’ado laga leeyahay dalka Iiraan, tilaabadani oo hoos u dhigeysa rajada laga qabay wadahadalo ay yeeshaan labada dal.

Saraakiisha iyo Hay’addaha ayaa lagu eedeeyay in ay caburiyeen mudaaharaadyada dowladda looga soo horjeedo la xiriiray geeridii Mahsa Amini oo ah gabar ku geeriyootay xabsi ku yaalla Iiraan sannadkii hore.

Cunaqabatayntan ayaa ku soo beegantay xilli la filayo in Maraykanka iyo Iran ay is dhaafsadaan maxaabiis horaanta toddobaadka soo socda, taas oo qayb ka ah heshiis dhawaan la shaaciyey oo ay gaareen labada dal.