Somali News

Mareykanka oo diiday qaraar xabad joojin kaga dhaqan gali laheyd Qaza

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa markale ka dooday, qaraar ku baaqaya xabbad joojin bini’aadanimo, si loo joojiyo dagaalka ka socda Qaza iyo in la kordhiyo gargaarka bini’aadanimo iyo barakicinta dadka Falastiiniyiinta ah, hase ahaatee qaraarkaas waxaa hor istaagay Maraykanka, isaga oo isticmaalay codka diidmada qayaxan ee Veto.

Danjiraha Maraykanka u joogta Qaramada Midoobay, Linda Thomas-Greenfield ayaa sheegtay, in aanay nabad waarta keenay, in la dalbado xabbad-joojin degdeg ah oo bilaa shuruud ah, iyada oo aan heshiis laga gaadhin in Xamaas ay sii dayso la haystayaasha gacanta ugu jira.

Muddo toddobaadyo ah ayaa Maraykanka, Masar, Qatar iyo Israa’iil waxay lahaayeen wadahadalo ku aaddan in la sii daayo dhammaan maxaabiista la haysto, isla markaana in la hakiyo dagaalka.