Somali News

Mareykanka oo ka digay weeraro ay Iiraan ka geysato gudaha Israel

Mareykanka ayaa yareeyay shaqaalahiisa diblumaasiyadda ee safraya Israel, xilli ay sii kordheyso cabsida laga qabo weeraro ay Iiraan ka geysato gudaha Israel.

Iran ayaa wacad ku martay in ay ka aargoosan doonto kadib markii Israa’iil ay 11 maalmood ka hor ku garaacday qunsuliyadda Iran ee Suuriya halkaas oo ay ku dishay 13 qof.

Israa’iil ma sheegan mas’uuliyadda weerarka qunsuliyadda balse waxaa la tuhunsan yahay in ay iyadu ka dambeysay.