Somali News

Mareykanka oo Malaayiin Dollar ugu deeqay dadka ay Abaartu saameysay

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, madaxa ugu sarreeya hay’adda Kaalmada iyo Hormarinta Caalamiga ah ee Mareykanka, Danjire Samantha Power iyo Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay James Swan, ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan looga hadlayay arrimaha abaaraha Soomaliya.

Kulanka oo ay kasoo qeyb-galeen qaar ka mid ah danjireyaasha waddamada Soomaaliya deeqaha siiya sida; Mareykanka, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Ingriiska, Turkiga, Sucuudiga, Imaaraatka Carabta iyo Qatar ayaa si guud diiradda loogu saaray xaaladda abaaraha Soomaaliya, halka uu maraayo dedaalka gurmadku iyo sida loo sii dardar-gelin karo.

Samantha Power oo hadalka ku horreysay ayaa mahadcelin kadib ku dhawaaqdey 476 milyan oo deeq dheeriya ah taas oo ka dhigeysa tirada lacagta guud ee Mareykanku ku deeqay Soomaaliya sanadkaan 668 Milyan. Samantha ayaa sidoo kale sheegtay in dowladdeedu ay dedaal ku bixineyso u qareemidda Gurmadka Abaaraha Soomaaliya.

Waddamada kale ayaa dhankooda ka warbixiyay deeqaha ay siiyaan Soomaaliya, iyagoo muujiyay sida ay u daneynayaan sii xoojinta dedaallada ku aaddan gurmadka abaaraha.

Ergeyga ayaa uga mahadceliyay dowladda Mareykanka deeqda ay kordhiyeen isagoo ugu baaqay dowladaha kale in ay ku daydaan dowladda Mareykanka, wuxuu kaloo ergeygu uga mahad celiyay Danjire Samantha Power, booqashada ay ku timid Soomaaliya, taasoo indhaha caalamka ku soo jeedineysa muskiladda abaaraha ee ka aloosan waddanka.

Ergeyga ayaa sidoo kale ku ammaanay dhammaan waddamada shirka kasoo qeyb-galay taakuleynta macnaha leh ee ay ka geysteen abaarta xun ee ka taagan waddanka, isagoo ka codsaday in ay kordhiyaan deeqaha ay ku bixinayaan gurmadka Abaaraha.

Ugu danbeyn Ergeyga ayaa shirka ka codsaday gacan ka geysashada fududeynta xawilaadda lacagaha si ay qurba-joogta ugu sahlanaato door ka ciyaarista samata bixinta dadkooda.