Somali News

Mareykanka oo markab dagaal u diraya bariga dhexe

Muqdisho-KNN-Waaxda difaaca ee dowlada Mareykanka ayaa sheegtay in ay bariga dhexe u dirayso markab dagaal iyo qalabka difaaca gantaalada.

Pentagon’ka Mareykanka ayaa sheegay in markabkan dagaal lageen doono saldhiga Mareykanku uu ku leeyahay dalka Qatar.

Waaxda difaaca Mareykanku ee Pentagon’ka ayaa ku doodeysa in ay ka hortagayso Qatar lasheegay in ay kasoo wajahayso dhanka Iran. 

Tehran ayaa dhankeeda ku tilmaamtay ujeedka Mareykanku in uu yahay dagaal dhanka maskaxda ah.

Lataliyaha amniga qaranka ee madaxwaynaha Mareykanka John Bolton, ayaa sheegay in ujeedka ciidamada Mareykanka aysan ahayn weerar ay ku qaadaan Iran.

Sanadkii lasoo dhaafay Mareykanka ayaa ka baxay heshiiskii xakamaynta hubka Niyukleerka kaas oo quwadaha dunida sanadkii 2015’tii lagaleen dalka Iran.