Somali News

Mareykanka oo sheegay in la duqeeyay xarruumo ay ku sugnaayeen Al-shabaab

Taliska ciidamada Maraykanka ee Africa ayaa sheegay in duqayn is-difaacid wadajir ah ay la beegsadeen maleeshiyaadka al-Shabaab, ayna ku dileen shan ka tirsan maleeshiyaadka al-Shabaab.

Duqayntan ayaa AFRICOM sheegtay inay ka dhacday meel u dhow Cali Heele oo 244 KM Waqooyi Bari ka xigta Muqdisho.

Duqayntan ayaa Maraykanku sheegay inay ahayd mid lagu taageerayey ciidamada dawladda Soomaaliya.

AFRICOM ayaa sheegtay inaan dad rayid ah waxba ku noqonin duqayntan.

Duqayntan waxaa horey u baahiyey warbaahinta dawladda Soomaaliya.

W/Q: Hanad Abdi Mohamud Yusuf