Somali News

Mareykanka oo sheegtay inay socdaan qorshihii ugu dambeeyay ay ciidamadeeda ugu saarayso Soomaaliya

Sida laga soo xigtay Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in dhammaan ciidamada Mareykanka ah ee ku sugan Soomaaliya lagu wadaa in ay saacadaha soo socda la filayo oo 15-ka bishan January, isaga baxaan Soomaaliya.

Taliska milatiga Mareykanka ma aysan faahfaahinin sababta Soomaaliya looga saarayo ilaa 700 oo ka mid ah askartooda oo aad u hubeysan, laakiin waxay sheegeen in Mareykanku uu sii wadi doono garab istaagidda Dowladda Soomaaliya iyo howlgallada ka dhanka ah kooxda islaamiga ah ee Al-Shabaab

Ciidamada Mareykanka ee ugu dambeeyay ayaa gudaha Soomaaliya galay sanadkii 2007-dii, howshooda ugu weynna waxay ahayd in ay ciidamada dowladda federaalka ka caawiyaan dhinaca tababarka.

Hase yeeshee, ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa dilay tiro ka mid ah hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab oo ay ku bartilmaameedsadeen weerarro loo adeegsaday diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn, maraakiibta gantaallada tuura iyo xitaa diyaaradaha qumaatiga u kaca oo weerarro qorsheysan fuliyay.

Saraakiisha taliska ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in askarta ka baxeysa Soomaaliya qaarkeed la geyn doono dalalka dariska ah, si ay u fuliyaan howlgallo xuduudda looga tallaabayo.

Tallaabada ciidamada Mareykanka looga saarayo Soomaaliya ayaa kusoo aadday xilli maalmo yar uun ay ka harsan yihiin xilliga uu madaxweyne Trump banneynayo xafiiska. Amarkaas wuxuu meesha ka saarayaa qorshihii wasiirkii difaaca Mareykanka, Mark Esper, oo shaqada laga eryay bishii November, kaas oo qabay fikir ku saabsan in milatariga Mareykanka ay sii joogaan Soomaaliya

Bayaan kasoo baxay Pentagon-ka ayaa lagu sheegay in “amarka ciidamada Mareykanka looga saarayo Soomaaliya horaanta sanadka 2021-ka” uusan micnihiisa ahayn in xukuumadda Washington ay baddashay siyaasaddeedii ku wajahneyd gobolka.

“Waan sii wadi doonnaa inaan wiiqno dhaqdhaqaaqyada xagjirnimada ah ee ay wadaan kooxaha islaamiyiinta ah, kuwaasoo halis u keeni kara dalkeenna, halka aan sidoo kale xaqiijineyno inaan istiraatoojiyaddeenna sii hormarinno,” ayaa lagu yiri bayaanka.