Somali News

Mareykanka oo si kulul uga hadlay heshiika Taliban.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Mark Esper ayaa sheegay maanta oo Sabti ah in ay raadinayaan heshiis siyaasadeed oo ay lagaaraan ururka Taliban.

 “Washintong ma aqbali doonto heshiis walba int qalalaasaha xoogani wali uu ka soconayo dalka Afghanistan” ayuu yiri Xoghayaha Difaaca Mareykanka.

Hogaamiyaasha Afghanistan uu kamid yahay madaxwaynaha dalkaasi Ashraf Ghani iyo ergayga gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan wadahadalada Zalmay Khalilzad ayaa isla wadaagay heshiiska horu dhaca ah oo ay lagaareen matalaayasha ururka Taliban.

Iyadoo ay xiisada dalka Afghanistan sii kordheeso ayaa lagu wadaa in markale todobaadkan wadahadalo ka bilawdaan magaaladda Doha.

“Mareykanku waxa uu u arkaa habka ugu wanaagsan in lagaaro heshiis siyaasadeed oo ah waxa aan hadda ka shaqeeneeno, taas oo aanan lamacna ahayn in aan gaareeno heshiis walba” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xoghayaha Difaaca Mareykanka Mark Esper.

Ururka Taliban ayaa sii wado weerarada ay ka geesanyaan gudaha dalka Afghanistan xilli labada dhinac ee wadahadalada sheegayaan in ay ku dhaw yihiin in heshiis ay gaaraan.