Somali News

Mareykanka oo war ka soo saaray Duqeyn ay ka fuliyeen Jubbada Hoose

Muqdisho-KNN-Taliska Mareeykanka ee Qaaradda Africa ayaa sheegay in Duqayn ay ka fliyeen Soomaaliya, iyagoo ciidamada  dowladda Soomaaliya.

Duqeynta ayaa  ka dhacday agagaaraha Jamaame iyo Deb Scinnele, gobolka Shabeellada Hoose,  19 Janaayo sida ay sheegtay AFRICOM. 

War Saxaafadeed uu soo saaray Taliska Mareeykanka  ee Qaaradda Africa ayaa lagu sheegay in howlgalkan lala eegtay saakiil sarsare oo ka tirsan Al-Shabaab.

“Duqeymahan waxaa lagu bartilmaameedsaday hoggaamiyeyaal caan ah oo ka tirsan al-Shabaab oo ku lug lahaa fududeynta, tababar dagaal, iyo qorsheynta weerarada,” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Cirka ee Mareykanka Maj. Gen. Dagvin Anderson.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay” “Duqeynta hoggaamiyayaashani waxay carqaladeyneysaa awoodda al-Shabaab ee ah inay weeraraan saaxiibadeena isla markaana si aan kala sooc lahayn loogu dilo dad rayid ah oo aan waxba galabsan iyagoo adeegsanaya walxaha qarxa”.

Taliska waxaa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya.

Diyaaraha aan duuliyaha lahayn ee Mareeykanka ayaa si joogto ah u beegsada Al-shabab, waxana wiiqeen Awooddii Al-shabaab ay u baabulijieen Weeradda ay la beegsadaan Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM.