Somali News

Markab basaas u ahaa dowladda Iran oo lagu qarxiyay Badda Cas

Qarax ayaa burburiyay Markab ay leedahay Iraan oo marayay xeebaha Badda Cas ee dalka Yemen, Sidaa waxaa xaqiijisay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Iran.

Markabka wuxuu ahaa mid “looga hakiyay in ciidamada Kacaanka Iiraan ay u adeegsadaan howlo basaasnimo ah.”

Qarax ayaa Talaadadii lala beesgaday markabka Saviz, wax khasaare ah na kama dhalanin, waxaana weli socda baaritaanno ku aadan dhacdadaas, sida uu sheegay afhayeen u hadlay dowladda Iran.

Wuxuu hadalkiisa sii raaciyay: “Markabka rayidka ah wuxuu saldhiggiisu ahaa halkaas si uu uga hortaggo howlaha burcad badeedda”.

Wargeyska New York Times ayaa ku warramay in Israa’iil ay Mareykanka u sheegtay in ay weerar ku qaaday markabka Saviz.

Saraakiisha Israa’iil kama aysan hadlin dhacdadan, balse Israa’iil iyo Iran wuxuu midba midka kale ku eedeeyay in uu weeraray maraakiib ay leeyihiin.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Saciid Khatibzadeh wuxuu sheegay in qaraxa lala beegsaday markabka Saviz, subixiiTalaadada, isla markaana khasaare aan sidaa u badneyn uu soo gaaray markabka.

“Baaritaanno dhanka farsamada ah ee ku saabsan dhacdada ayaa weli socdaan. Dalkeena wuxuu qaadi doonaa tallaabo kasta oo laga maarmaan ah oo ku saabsan arrintan, iyadoo loo marayo ha’yado caalami ah” ayuu yiri.

BBC