Somali News

Markab Dhuxul oo ku xayiran kismaayo

Kismaayo-KNN-Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu soo waramayaa in ay ka taagan tahay is qabqabsi ku aadan Markab maalmo taagan Dekadda Kismaayo,kaas oo la sheegay in la doonayo dhuxul in lagu qaado.

Sababta uu Markabka uu ugu xayiran yahay Dekadda ayaa dad xog ogaal ah waxaa ay KNN ugu sheegeyn in ay jirto isqabqabsi lacageed,iyadoona la sheegay in markabku uu yahay mid aad u weyn oo qaadi kara 550-kun kiish oo dhuxul ah.

Muranka ayaa si gaar ah waxaa uu kaga dhaxeeyaa maamulka dekadda,madaxda jubbaland iyo ganacsatada leh dhuxusha la dhoofinayo.

Madaxweynaha jubbaland ayaa la sheegay in uu isugu yeeray kulan dag dag ah saraakiisha ammaanka maamulkiisa iyo wasiirro ka tirsan jubbaland si looga hadlo xaaladdaha ka jira magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarey.