Somali News

Masuul hore kana tirsanaa jiray Nisa oo sheegay in xubno shabaab ah ay Nisa ku jiraan

Muqdisho-KNN-Taliye ku xigeenkii hore ee hey’adda Nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdalla Cabdalla Maxamed oo dhawaan shaqada  laga joojiyay kadibna laga qaday xilkii ayaa ka sheekeyay sida xilka looga qaday , xaaladda ay ku shaqeyso hey’adda , iyo sidoo kale dikumiintiyo yiilay xafiiskiisi oo uu sheegay in la jabsaday.

Taliyaha oo wareysi siiyay idaacadda VOA ayaa sheegay in la jabsadayu xafiiskii uu ku shaqeyn jiray lagan qaatay dikumiintiyo sir u ahqaranka.

Cabdalla ayaa intais raaciyay in uu falkaasi ku tuhmayo in ay ka danbeeyaan xubo Shabaab ah oo ku jira hey’adda Nabadsugiida.

Sido kale Cabdalla cabdalla Maxamed aya sidoo kale sheegay in xilka qaadistiisa aanan lagu wargelin sidoo kale aan loo sheegin sababta looga qaaday xilkaasi oo uu hayay muddo 6-sano ah.