Somali News

Mas’uuliyiin ka tirsan Hir-Shabeelle oo gaaray Beledweyne

Beledweyne-KNN-Guddoomiyaha Barlamanka Hirshabelle Sheikh Cusman Barre Maxamed oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan Maamulka Hirshabelle ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee Gobalka Hiiraan.

Xildhibaanno iyo Masuuliyin ka tirsan maamulka Gobolka iyo Degmada ee Beledweyne ayaa guddoomiyaha kusoo dhoweeyay Garoonka Diyaaadaha ee Ugaas Khaliif .

Guddoomiyaha ayaa soo dhoweyn kaddib loo galbiyay xarunta madaxtooyada Hir-shabelle ee Beledweyne halkaasi oo uu kula kulmay Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare oo maalmahan ku sugnaa magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha ayaa kulanno la yeelan doono Odayaasha Dhaqanka reer Hiiraan iyo sidoo kale qeybaha bulshada waxaana uu dadaal ugu jiraaa ka shaqeynta Midnimada Dadka Reer Hiiraan.