Somali News

Mas’uuliyiin katirsan Jubbaland oo la kulmay Saraakiisha hoggaamisa Ciidanka Kenya

Kismaayo-KNN-Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee maamulka Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo maanta Kismaayo kulan kula yeeshay Saraakiisha hoggamisa Ciidanka Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa kala hadlay arimo badan oo quseeya amniga deegaanada Jubbaland.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay mas’uuliyiin ka kala socotay labada gole ee maamulka Jubbaland, Saraakii Ciidan iyo xubno kale.

Qodobada ugu muhiimsan ee kulankaas looga hadlay ayaa waxaa kamid ahaay in Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Kenya ee kusugan deegaanada Jubbaland iyo maamulku ay yeeshaan iska war qab joogto ah, in ay ka wada shaqeeyaan la dagaalanka Al-Shabaab, in si wadajir ah loo qaado dagaal lagu gaarayo dhulka ay heystaan Al-Shabaab iyo arimo kale.

Kulanka oo saacado qaatay kadib ayaa waxa si wadajir ah saxaafadda ula hadlay sargaalka u taliya ciidanka AMISOM ee ka socda Kenya iyo Madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulka Jubbaland waxayna sheegeen in ay isku afgarteen qodobadii ay ka wada hadleen oo ay ugu muhiimsan tahay ka wada shaqaynta nabadgelyada deeganada Jubbaland.

Deegaanada maamulka Jubbaland oo in badan ay ka arimiyaan Al-Shabaab ayaa la filayaa in dhowaan ay ka bilaabato doorashooyinka maamulkaas, waxaana haatan Kismaayo ka jira diyaar garow loogu jiro soo xulida Xildhibaanada cusub ee Jubbaland, kuwaas oo soo doora doona Madaxweynaha Afarta sano ee soo socota hoggamin doona maamulka Jubbaland.