Somali News

Maxaa caawa ka socda Dhuusamareeb?.

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa waxaa caawa markale ka socda shirkii madaxdaxwayneyaasha maamul goboleedyada, gobolka banaadir iyo madaxwayanaha dowladda fedaraalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo.


Ilo ku dhow dhow shirka ayaa KNN waxay u sheegeen in qodob la xiriira arrinta gobolka Gedo la isku mari la’ayahay weli.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) wuxuu wali ku adkeysanayaa in loo soo gacan galiyo gobolka Gedo, isla markaana maamulkiisa uu maamulo doorashada ka dhaceysa deegaankiisa si la mid ah maamullada kale, waxaana arrinta ugu weyn ay tahay Garbahaarey

Beesha Caalamka ayaa cadaadis weyn ku saartay dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada in xal laga gaaro dhammaan khilaafyada hareeyey qabashada doorashada dalka, islamarkaana uusan fashilmin shirka.

Shirka ayaa weli socdaa, walina wax is afgarad ah oo laga gaaray arrimaha cakiran ma jiraan, iyadoo kaliya la sheegayo in cadaadis ka imaanaya beesha caalamka uu jiro, kaas oo masuul walba ku qasbayo inuu joogo magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud

Lama oga waxa ka soo bixi doono shirka caawa ka socda magaalada Dhuusamareeb