Somali News

Maxaa caawa ka socda Dhuusamareeb?.

Shir u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka ayaa lagu wadaa inuu saacadaha socda uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud

Kulamo gooni gooni ah ayaa caawa ka socda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in inta uusan furmin shirka ay kulamo yeelan doonaan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Ammaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa caawa aad loo adkeeyay

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirkan ku baaqay kadib cadaadis xooggan oo ay beesha caalamku ku saartay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya isku haya inay xal u helaan muranka ka taagan qabashada doorashada.