Somali News

Maxaa iska badelay amniga Muqdisho mudo 50 maalmood kadib?.

Muqdisho-KNN-Kontan maalmood ayaa maanta u buuxsantay markii uu Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow uu ku dhawaaqay in Muqdisho uu ka bilaaban doono howlgal ka dhan ah Al-shabaab iyo kooxaha kale ee falalka amni darra ka geesta Muqdisho markii uu amaanka faraha ka baxay. 50 maalmood kadib waa sidee xaaladda Muqdisho maxaana laga dhaxlay howlgalkii Ciidamada booliiska.

Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee howlgalka wada waxay ku guuleesteen in ay yareeyaan weeraradii iyo Qaraxyadii Al-shabaab inkastoo ay wali qaraxyadu ka dhacaan goobo muhiim ah oo ku dhow Xafiisyada muhiimka ah ee Dowladda. Sidoo kale waxay ku guulesteen in ay soo qabtaan keydad hub ah oo ay Al-shabaab lahaayeen iyo rag dilal fuliyay sida uu shaaciyay Taliska Booliiska Soomaaliya.

Ciidamada Booliiska kuma guuleysan in ay joojiyaan dilalka qorsheysan ee ka dhaca Xaafadaha Magaalada Muqdisho waxayna wali kooxihii wax beegsan jiray ay dilal ka fuliyaan degmooyinka Gobalka Banaaadir. Dilalka Al-shabaab ee Muqdisho waxaa ku soo biiray dilal kale oo aan ka tira iyo xanuun yareyn oo ay fuliyaan Ciidamada Booliiska Soomaaliya ee loo xilsaaray badbaada Shacabka waana mid kamid ah waxyaabaha laga dhaxlay howlgalka ka socda Muqdisho.

Warbixin oo dhameystiran waxaa diyaariyay Wariye Xuseen Cabdulle Maxamed.