Somali News

Maxaa ka jira in doorashada Aqalka Sare ay ka bilaabaneyso Baydhaba?

Baydhaba-KNN-Illaa 12 xubnood oo ka mid ah guddiga doorashada ee lagu muransan yahay ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, kuwaas oo ka baxay magaalada Muqdisho.

Xubnaha guddigaas oo maalmihii lasoo dhaafay uu tababar la xariira qabashada doorashada uga socday magaalada Muqdisho ayaa markii ay maanta dib ugu laabteen magaalada Baydhaba waxaa la dejiyey xarunta madaxtooyada dowlad goboleedka Koofur Galbeed.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa la filayaa inuu noqdo maamulkii u horreeyay ee qabta doorashada Aqalka Sare, isla markaana maalmaha soo socda ay Baydhaba ka bilaabato doorashada xubnaha Aqalka Sare ka soo gelaya deegaanada Koonfur Galbeed.

Warar ayaa sheegaya inuu jiro heshiis uu madaxweyne Farmaajo la galay Madaxweynaha Koofur Galbeed, kaas oo ah in Lafta Gareen uu bilaabo doorashada xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya deegaanada maamulkiisa.