Somali News

Maxaa Ka socda Gobalada Sool iyo Bari

Garoowe-KNN-Tan iyo  markii si rasmi ah Siciid Cabdullaahi Denni loogu doortay madaxweynaha Puntland ayaa waxaa lagu soo waramayaa in dhaqdhaqaaq  iyo abaabul  xoogan laga dareemayo deegaanada ka tirsan Gobalada Sool iyo Bari.

Ujeedka dhaq dhaqaaqa ayaaa waxaa lagu sheegay sidii Puntland ay u difaacan laheyd deegaanada ka tirsan Gobalka Sool, halka deegaanada Gobalka Bari ay wadaan qorshihii Al-Shabaab looga saari lahaa Gobalkaasi.

Ciidamada Puntland ee ku sugan jiidaha dagaalka ayaa lagu soo waramayaa inay heegan culus ku jiraan isla markaana ay madaxweynaha cusub cadaadis ku saarayaan inaysan ku sii sugnaa halkaasi si ay dagaal u qaadaan.

Buuraha Gobalka Bari ayaa hada waxaa ku sugan Xubnaha ka tirsan Al-Shabaab iyo Daacish, iyagoona mararka qaar weeraro iyo dilal qorsheysan ka fuliya Magaalada Boosaaso.

Dhanka kale Deegaanka Tukeraq ayaa waxaa isku hor fadhiya ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Soomaaliland.