Somali News

Maxaa kasoo baxay kulankii Kismaayo ku dhexmaray Axmed Madoobe iyo Wakiilka QM?

Kismaayo-KNN-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo xubno kale oo ka socday Hay’adaha Qaramada Midoobay.

Kulankaas oo sida la sheegay looga hadlay qodobo kala duwan ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa Saxaafadda la hadlay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Danjiraha Qaramada Midoobay.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in kulanka lagaga hadlay guud ahaan Siyaasadda Soomaaliya halka ay marayso iyo si gaar ah Arimaha Doorashooyinka Jubbaland, isagoo sheegay in ay isku raaceen in waxa wadanka lagu kala hagi karo uu yahay oo kaliya Dastuurka dalka u yaala oo lagu dhaqmo, mar uu ka hadlayay arimaha doorashooyinka Jubbaland-na waxa uu sheegay in la isku raacay in Arintaas looga danbaynayo guddiga doorashooyinka iyo Odayaasha dhaqanka.

Waxa uu intaas ku daray in goobta ay ka dhacayso doorashada iyo amnigeedaba la isku raacay in ay tahay mas’uuliyad u taala Jubbaland.

Danjiraha Qaramada Midoobay oo dhankiisa ka mahad-celiyay sida loogu  soo dhaweeyay, ayaa sheegay in uu Jubbaland uga Tacsiyeeyaynayo dadkii ku weerarkii dhowaan ay Al-Shabaab ku qaadeen Hotel Madiina, isagoo  sheegay in Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu intaas ku daray in ay doonayaan in Jubbaland ay ka dhacdo doorasho xalaal ah oo aan meela laga faragalin isla markana ay mas’uuliyadeeda leedahay in ay dhowrto Jubbaland wuxuu xusay in uu sidoo kale uu la kulmay gudiga doorashooyinka Jubbaland iyo Xildhibaanada laga soo doorto Jubbaland ee Baarlamaanka Federaalka ah oo uu aragtidooda ka dhagaystay.