Somali News

Maxaa laga doonayaa siyaasigii ka baxa DF ee ku laabta Hargeysa?

Hargeysa-KNN-Xukuumadda Somaliland ayaa soo saartay qoraal uu ay cadyihiin shuruudaha looga baahanyahay dadka ka soo jeeda deegaanadeeda ee xilalka ka qabta koonfurta Soomaaliya, markii ay doonayaan inay dib ugu laabtaan Hargeysa.

“Muwaadin kasta oo reer Somalland oo ummadda ka galay dembi, xilna ka qabtay dowladda federaalka Soomaaliya, waxaa kaliya ee lagu saamixi karaa markii uu fagaaro ka cadeeyo in uu iska casilay xilkaas, kana laabtay fikirkii midnimada, kuna cadeeyo qoraal iyo cod” ayaa lagu yiri warkan oo ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Somaliland.

Qoraalkan waxaa digniin loogu diray dadka baraha bulshada ku faafinaya wararka ka wax u dhimaya jiritaanka Somaliland.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran