Somali News

Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirada ee maanta?

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo todobaadkan ku qabsoomay aaladda Zoomka  ayaa looga hadlay xaaladihii ugu danbeeyey ee saameynta xanuunka COVID-19, laguna ansixiyay Hindise sharciyeedka Caddaaladda da’yarta Soomaaliyeed iyo Istaraatiijiyadda Qaran ee Xalka Waara.

Shirka Golaha Wasiirada oo guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa warbixinno la xiriira amniga iyo howlgallada socda looga dhageystay Wasiirrada Amniga iyo Gaashaandhigga.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa Golaha u soo gudbisay xaaladihii u danbeeyey ee laba kacleynta Caabuqa COVID-19 oo dad tiro badan soo ritay maalmihii u dambeeyey.