Somali News

Maxaa looga hadlay shirka golaha wasiiradda?

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Tansaaniya.

Heshiisyada ay goluhu meel-mariyeen ayaa kala ah, heshiis iskaashi oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Tansaaniya, heshiiska wareejinta Maxaabiista Xukuman iyo Heshiiska Iskaashiga Dalxiiska.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga dhageysatay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, xasillinta iyo dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

All reactions:

235235