Somali News

Maxaad ka ogtahay magaalada maalinteedii ay isku bedeshay habeen?

Muqdisho-KNN-Mallacoota, waa magaalo dalxiis oo ku taala gobolka Victoria ee dalak Australia, waxay 500km bari ka xigtaa magaaladda Melboune.

Ku dhawaad 1,000 qof ayaa halkaas ku nool, laakiin dadkaas waa la harqiyaa ciidda masiixiga, waa xilliga ay dadka Australia aadaan magaaladda si ay fasaxooda ugu soo qaataan.

Manta, dab ayaa magaaladda galay, kumanaan qof ayaa ka baxsaday magaalo xeebeedkaan iyagoo nabad qaba.

Dadka magaaladdu waxay kusoo tooseen qaac, cirku waxaa uu u muuqdaa midabka oranjadda. Laakiin dabku waa uu isku soo dhawaanaya marba marka ka dambeeya.

Saacadu markii ay ahayd 8:00 am waxaa dhawaaqay buun, waxaana dadka loo sheegay in ay badda xageeda aadaan. Markii ay saacaddu ahayd 9:30 am cirku waxaa isu bedelay madow.

“Tii ugu xumeyd ayaan wajaheynaa sababtoo ah mugdi ayaa jira,” ayuu David Jeffrey u sheegay BBC-da. “Xilliga aan joognaa waa maalin cad waana mugdi sidii habeenkii” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Kumanaan qof ayaa u cararay xeebta, dab-demiyeyaashuna waxay raaceen dadka.

“Waxaan helnay seddex kooxood oo dadka garab taagan” ayuu warbaahinta u sheegay Afhayeenka dab demiska Steve Warrington.

Dhanka kale dad badan ayaa ku baxsanaya doomo si ay uga badbaadaan dabka magaaladda kusoo wajahan. Waxaana dadka lagu booriyay in ay is caawiyaan.

Iyadoo dadku ay dalbanayaan in la daad gureeyo ayaa maamulka magaaladu waxaa ay codsanayaan in la sii joogo balse markii la eego sida xaalku yahay uma foga in khatarta laga cararo.

Weli ma jiro qof ay waxyeelo soo gaartay.