Faalooyin Somali News

Maxaad ka taqaan taariikhda Ururka Daacish?

Muqdisho-KNN-Ururkaan oo loo aqoonsanyahay urur argagixiso kan ugu weyn uguna arxanka daran marka ficiladiisa loo eego waxaa uu leeyahay dhawr magac oo ay ka mid yihiin Daacish, ISIS ISIL Khilaafadda Islama iyo dawlada Islamka.

Waa urur diimeed ay hogaankoodu aaminsanyihiin in xoog ku dhaqanka Shareecadda Islamka lagu meel mariyo.

Calanka ururkaan ayaa ah kan madow ee dhexda tawxiidku kaga qoran yahay oo ay adeegsadaan urur hubaysan ee ka jira dhawr wadan oo caalamka Islamka ah sida Al-Qacida IWM.

Calankaan waxaa culumada Islamku u taqaan Raayadda Islamka waana kii ay asxaabta Nabigeena Muaxmed NNKH adeegsan jirtay.

Taariikh ahaan ururka waxaa la aaminsan in fikirkiisu soo bilowdo sanadkii 1999 waxaana lahaa hogaamiyihii Al-Qacidada Ciraaq Abu Mucab Asarwaaqi.

Inkastoo ay dawlad isku magacabeen haddana ma ay helin aqoonsigaas waxaana taas badalkeed loo diwaan galiyay urur arxan darran.

Waxaa magacaan adduunka uu qabsaday bishii June sanadkii 2014 markaasuu hogaamiyahoodii la dilay Abu Bakar Al-Baqdadi uu magaalada Muusil ee dalka Ciraaq kaga dhawaaqay inay dawlad ama Khilaafo Islaami ah yihiin waxaana ay caasimad ka dhigteen magaaladda Raqqa ee dalka Suuriya ku taala.

Maleeshiyaadka ururkaan ayaa xoog sanadkaas ku qabsaday inta badan galbeedka dalka Ciraq magaalooyin ku yaala.

Dad badan ayaa aaminsan xooga ugu badan ururkaan uu ahaa ururkii Jameecadda Ahlu Sunna Waljameeca oo ka mid ahaa ururada Al-Qacida ku xiran ee dalka Ciraaq kula dagaalamay ciidamadii Maraykanka ee 2003 ku duulay.

Ururka aanu ka hadlayno ee Daacish waxaa uu kusoo caan baxay baahinta muuqaalo, codad iyo sawiro argagax leh oo ay ka muuqdeen ayadoo la gawracayo dad ay qabsadeen oo askar, weriyaal iyo maxaabiis kaleba ahaa.

Muuqaaladda ururkaan uu baahiyay oo ahaa kuwo aad looga naxo waxaa lagu tilmaamay inay ahaayeen kuwii ugu naxdinta iyo argagaxa badnaa ee urur hubaysan laga helo.

Dad ayagoo nool la gubayo inta shidaal lagu shubo, kuwa inta biro lagu dhex xiray biyaha badda la quusiyay, kuwo dhismooyin dhaadheer laga soo tuuray ayagoo nool markii ay dhulka kusoo dhaceena naftii ku dabo yareyd dhagax looga sii qaaday kuwa ayagoo nool gaadiid dagaal la dul mariyay iyo dhacdooyin kale oo aad u naxdin badan ayaa lagu xasuusan ururka Daacish.

Burburinta waxyaabaha taariikhiga ah ee la dhawro , isir sifeynta suulinta dhaqamada ay qawmiyadaha qaar leeyihiin iyo falalka ka dhanka ah xaquuqda aadanaha ayay sidoo kale markiiba lasoo if baxeen.

Ururkaan oo markii uu dawladinimada sheegtay ku faafay dalalka Ciraaq iyo Sururiya waxaa la sheegaa in Syria ay ku hoos noolaayeen qiyaastii 12 million oo ruux.

Illaa iyo 18 wadan oo caalamka ah ayuu gaaray fikirkooda waxaana ku biiray ururo kale oo dalalka qaar ka jiray waxaana dalalkaas ka mid ah Afghanistan, Pakistan, Mali, Masar,Libya,  Soomaaliya, Nigeria Bangladesh, Indonesia Filibiin iyo dalal kale.

In ka badan 70 weerar oo dhiig badan ku daatay ayay adduunka oo dhan ka gaysteen meelaha ugu badan waa Ciraaq iyo Syria.

Dalal ay ka mid yihiin Australia, Maraykanka Faransiiska iyo dalal kale oo reer galbeed ah ayay taageerayaashodu weeraro ka geysteen.

Soomaaliya oo uu wakiil uga yahay nin la yiraahdo C/qaadir Muumin waxay ka geysteen weeraro qaraxyo iyo shirqoolo ahaa inkastoo culays weyn kala kulmeen hay’adaha amaanka Soomaaliya iyo xataa ururka kale ee Al-Shabab.

Nigeria waxaa ku xiran ururka la yiraahdo Boka Xaraam oo dhibaato badan ku haya bulshada dalkaas.

Boqolkiiba 90 taageerayaasha ururkaan waxay ku noolaayeen dalka Ciraaq halka dadka Syria meelaha ay ka xukumeen 70% laga taageersanaa sida ay muujisay aragti urur ay sameysteen sanadkii 2015,kii.

Bishii July sanadkii 2014 waxaa loo diwaan galiyay inay geysteen xadgudubyo bini’aadanimada ka baxsan kadib markii lagu helay inay laayeen boqolaal maxaabiis ah oo ay qabteen.

Ururka aan ka hadlayno waayihiisa ee Daacish waxaa la sheegay in weerarada ugu badan uu ku gayatay gawaari waa weyn oo qaraxyo lagu xiray.

Qaraxyada qaarna waxaa la sheegay inay ka sameeyeen walxo kiimikaal ah oo ay ka qaateen xeryihii ciidamada Ciraaq ee ay qabsadeen sanadkii 2014.

Xogaha la qoray ayaa sheegaya in saraakiil IS ka tirsan ay walxo loo malaynayo Nukliyeer ay ka qaateen jaamacadda magaalada Musil kadibna inta barxeen ay ku dareen farsamaynta walxaha qarxa.

Bishii April waxay xireen biyo xireenka magaalada Faluuja taasoo keentay in qiyaastii 12 kun  oo qof oo Shiico ah ay biyo l’aan noqdaan kadibna ay degaanadooda ka barakacaan.

Dagaalamayaal badan ayaa ku biiray ururkaan waxaana ay badankood ka tageen dalal reer galbeed ah Soomaali badan oo rag iyo dumarba leh ayaana ka mid ahaa.

Sanadkii 2015 waxaa xogaha la hayo muujinayaan inay ku biireen 30 kun oo dagaalame oo ka kala tagay 85 wadan oo caalamka ah.

Ficilada uu ururkaan geystay xataa waxaa ka hor yimid ururada kale ee xag jiriinta ah sida Al-Qacida iyo Taliban oo ficiladooda ku tilmaamay kuwa ka baxsan macnaha ujeedka ay sheeganayaan inay u samaysan yihiin.

Q,M iyo hay’addo kale ayaa sheegay in dadka shacabka ah ee ururkaan xukunkooda ku hoos noolaa ay la kulmeen ciqaab tii ugu adkeyd.

Dhaqaalo ahaan ururkaan waxaa la aaminsanyahay inay miisaaniyad ahaan u diyaarsadeen 1 billion oo dollar taasoo keentay inay sanad walba qortaan 30 kun oo dagaalame

Dhaqaalaha ugu badan ee ururkaan waxaa la aminsanyahay inay ka helaan lacago ay ka qaadaan dadka ku hoos noolaa, ceelal shidaal, warbaahinta qaar oo sheegtay inay dawlado Carbeed taakuleyn dhaqaale ka heli jireen

Sanadkii 2014 waxaa loo aqoonsaday ururka argagixiso kan ugu dhaqaalaha badan sababtoo ah markaas waxaa uu heystay lacag dhan 2 billion oo dollar.

Lacagtaas badankeed ururku waxaa uu ka qaatay bangiyo ku yiil magaalada Muusil ee dalka Ciraaq markii ay gacantooda soo gashay.

Sanadkii 2016 waxaa ururkaan ku bilowday duulaan ay hormuud u yihiin dawladaha ugu tunka weyn caalamka waxaana laga saaray magaalooyinkii ay ka talinayeen waxaana la wiiqay awoodii xawliga ku socotay.

Hogaamiyaal badan ayaa laga laayay waxaana laga saaray magaalooyinkii ay ka talinayeen mana jirto magaalo ay maanta si buuxda u maamulaan.

Qiyaastii boqolaal kun oo maxaabiis ah ayaa laga hayaa oo ku jira xabsiyo kala duwan waxaana qaarkood ay dalbanayaan in lagu celiyo dalalkii ay markii hore ka tageen.

Hogaamiyahoodi Abu Bakar Al-Baqdad ayaa lagu dilay weerar ka dhacay dalka Syria 27 bishaan October waxaana M/weynaha Donald Trump oo dhimashada Baqdadi ka hadlayay uu sheegay inuu asagu is dilay markii uu arkay inuu badbaadeyn waxaana uu horey u sii martay xaasas uu qabay iyo caruur uu dhalay.

Ururka Daacish hadda waxay hogaamiye u doorteen nin kale oo la yiraahdo Cabdullaahi Qardhaas oo u dhashay dalka Ciraaq. Dadka falanqeeya arrimaha ururada aragixisada waxay aaminsan yihiin inay adagtahay sii jiritaanka ururkaan maadaama awood ahaan la jabiyay hogaankoodiina la dilay.