Somali News

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo gaaray Baydhaba

Baydhaba-KNN-Magaalada Baydhaba ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa waxaa maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof.Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Prof.Jawaari ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya masuuliyiin xilil kala duwan horay uga soo qabtay dalka.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si diirran ugu soo dhaweeyay Prof. Jawaari garoonka Shaati Gaduud ee magaalada Baydhaba, waxaana ka mid ahaa masuuliyiintii soo dhaweeyay guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi iyo ku xigeenkiisa.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhaba ay uga qayb geli doonaan wufuuddan maanta Baydhaba gaartay, Kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka oo maalinta berri oo Isniin ah furmi doona.

Wararka ayaa intaa ku daraya, in Prof. Jawaari uu sidoo kale u tagay magaaladaasi sidii uu uga sameyn lahaa dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed dhinacyo kala duwan leh, kuwaas oo ay qayb ka tahay ololihiisa doorasho ee doorashooyinka guud ee dalku geli doono.