Somali News

Maxay Ka wada hadleen Madaxweynaha Jubblanad iyo madaxda WHO ?

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa Hay’ada Caafimaadka aduunka ee WHO u qaabilsan Soomaaliya Dr Mamunur Rahman Malik iyo wafdi uu hogaaminayo oo booqasho ku tagay Jubbaland.

Waxaa Madaxweynaha Kulankan ku wehelinayay Wasiirka iskaashiga iyo xiriirka Caalamiga ah Mursal Maxamed Khaliif iyo wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Maxamed Ibrahim Ogle.

Kulanka waxaa lagaga hadlayay sidii WHO ay u balaarin lahayd tageerada dhinaca Caafimaadka ah isla markana la iskaga kaashan lahaa shaqooyinka baaxada leh ee Wasaarada Caafimaadka iyo WHO ay sida wadajirka ah u qabtaan.