Somali News

Maxay ka wada hadleen Sheekh Aadan Madoobe & k/xigeenka wakiilka Xoghayaha Guud Q.M ee Soomaaliya?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoygiisa kulan kula qaatay ku-xigeenka wakiilka Xoghayaha Guud ee (QM) ee Soomaaliya marwo Anita Kiki Gbeho oo Guddoomiyaha la wadaagtay dhambaal casuummaad ah oo ay ka sidday dowladaha C6+.

Marwo Anita Kiki ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka  ugu hambalyaysay xilka loo doortay Guddoonka Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe ayaa isna dhankiisa ugu mahadceliyay Marwo Anita Kiki taageernimada bini’aadanimo ay Qaramada Midoobay kula garab taagan tahay Dadka Soomaaliyeed ee saameysay abaarta daran.