Somali News

Maxay ka wada hadleen Shiikh Aadan Madoobe & Amb. Maxamed Rashiid?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta gelinkii dambe gurigiisa ku qaabiley danjiraha dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti Amb. Mohamed Rashid.

Safiirka ayaa Guddoomiyaha ugu yimid salaan isagoo la wadaagey xiriirka walaltinimo ee Inaga dhexeeya iyo sidii ay uwada shaqeyn lahaayeen labada Baarlamaan ee Labada Dal.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe oo uga mahadceliyey booqashada danjiraha ayaa ku amaanay xirirka walaaltino ee labada dal  iskaashiga iyo  wax-wada qabsiga shacabka iyo dowladba.