Somali News

Maxay ka wada hadleen Wasiirka Gaashaandhiga DF iyo Talyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Muqdisho-KNN-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa waxa ay kulan la qaateen Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Africa “AFRICOM” Gen. Stephen Townsend.

Kulanka ayaa labada dhinac waxa ay kaga wada hadleen iskaashiga iyo xiriirka Milatari ee labada Dowladeed iyo dardargalinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sida ay noo sheegeen Saraakiil kulanka ka qeyb galey.

Sidoo kale waxaa la isku soo qaaday taageerada Mareykanka ee ku aadan tababarada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si loo xoojiyo tayada ciidamada qalabka sida.

Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli maanta uu Taliska militariga Maraykanka ee qaaradda Afrika (AFRICOM) xaqiijiyey in la dhammaystiray bixitaankii ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya.

Tirada ciidamada Maraykanka ee Soomaaliya ayaa lagu sheegaa inta u dhaxaysa 650-800, kuwaasi oo Soomaaliya u joogay inay tababaraan, islamarkaana caawiyaan ciidamada xoogga gaar ahaan ciidanka Danab.