Somali News

Maxay ka wadahadleen Biixi iyo safiirka Shiinaha ee Soomaaliya?.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti heersare ah oo uu hoggaaminayey Wakiilka China u qaabilsan iskaashiga Africa iyo China “Forum on China-Africa Cooperation” (FOCAC), Ambassador. Zhou Yuxiao oo safar saddex maalmood qaatay ku tagay magaalada hargeysa

Ugu Horayn Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu weftiga warbixin guud ka siiyey horumarka ka hana-qaaday Somaliland ee ay iska kaashadeen shacbigeeda iyo dawladdu, kaas oo sababay in beesha caalamku ay taageeraan soomaaliland, kuna dhiiradaan inay maalgashadaan khayraadka kala duwan ee ku duugan dalka ayuu lagu yiri qoraalka ka soo baxay madaxtooyada soomaaliland

Sidoo kale qoraalka, ka soo baxay madaxweyne Biixi waxaa lagu yiri, waxaanu madaxweynuhu xubnaha weftiga u sheegay in soomaaliland ay tusaale u tahay geeska afrika, marka loo eego horumarka dhinaca dimuquraadiyada ee uu ku tallaabsaday sagaal iyo labaatankii sanno ee u danbeeyey isbedelada dhinacyada badan leh ee ka hirgalay, haday tahay dhinaca doorashooyinka, hanaanka axsaabta xisbiyada qaranka iyo nidaamka qori-isu dhiibka ah ee hoggaanka dalka.

Dhinaca weftiguna waxa ay madaxweynaha kala hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee dhinacyada ganacsiga, iyo iskaashiga bulshada ee ay labada dal lahaayeen mudada dheer.

Ugu dambayntiina waxa la isku af-gartay in labada dal yeeshaan xiriir wanaagsan oo ku dhisan ixtiraam iyo in la iska kaashado dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarka.

Waxaana kulankaasi madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasiirrada arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, horumarinta maaliyada, macdanta iyo tamarta, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo wakiilka Somaliland u qaabilsan China.