Somali News

Maxay ka wadahadleen James Swan iyo Mahdi Guuleed?

Muqdisho-KNN-Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Qoraal kooban oo lagu baahiyey barta Facebook  ee Ra’iisul wasaare ku xigeenku ayaa lagu sheegay in uu xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, isla markaana labada mas’uul ka wada hadleen arrimaha siyaasadeed ee dalka.

Mahdi Guuleed, wuxu sheegay in isaga iyo James Swan ay ka wada-hadleen arrimaah hortebinta u leh dalka, gaar ahaan xallinta muranka doorashada 2021-ka.

Wakiilka Qaramada Midoobey James Swan ayaa sidaan oo kale maanta ula kulmay Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, iyadoo la sheegay inay ka wadahadleen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka ka taagan doorashada.

Shalay ayey aheyd markii James Swan oo qadka internetka kula xariiray madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Cali Guudlaawe iyo James Swan ayaa kulankoodii shalay uga wadahadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan kuwa doorashooyinka iyo sidoo kale caqabadaha ku hor gudban maamulkiisa.