Somali News

Maxay ka wadahadleen Lafta gareen iyo odayaasha dhaqanka Koofur Galbeed?.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo ay Wehliyaan Gudoomiyaha Barlamaanka iyo ku Xigeenkiisa ayaa kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka Koofur Galbeed.


Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee uu xiligan marayo dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, shidaal baarista lagu sameynayo deegaanada Koofur Galbeed iyo dadaalada uu madaxweyne Lafta gareen ku dhex dhexaadinayo dhinacyada isku haya doorashooyinka soomaaliya ee sanadkan 2021-ka.

Madaxweyanaha ayaa warbixin ka dhageystay waxa ay ka tabanayaan odayaasha uu la kulmay, waxay intooda badan ay codsadeen dib u xoreynta degmooyinka gobolka Bakool oo ay go’doomiyeen dagaalamayaasha Al-shabaab, isku furka waddooyinka isku xiriiriyo Gobolka Bakool iyo guud ahaa Gobolada maamulka Koofur Galbeed dhamaana looga saari lahaa Al-shabaab.

Madaxweyanah Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa   odayasha dhaqanka si cad ugu sheegey in Dhabaatooyinka ay ka tabaneyaan wax laga qaban doono.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa odayaasha u sheegay in xal waara laga gaari doono arrimaha doorashooyinka.